Nin Weerar Ka Geystay Magaalada Muqdisho Oo Toogasho Lagu Dilay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nin hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday Bam gacmeed xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha.

Weerarkaasi ayaa geystay khasaaro kala duwan.

Weerarkaan ayaa lagu qaaday fariisimo Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Isgoyska degmada howlwadaag ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarka kadib la maqlay rasaas ay fureen Ciidamada halkaas ku sugnaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo hal Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu yahay, halka labada kalena ay ahaayeen dad shacab ah oo goobta ka agdhawaa.

Ninkaas weerarka fuliyay ayaa marka hore isku dayay inuu goobta ka baxsado, hayeeshee Askari dharcad ah oo xiligaas goobta ku sugnaa ayaa toogasho ku dilay Ninkii weerarka geystay.

Ciidamo kale oo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay isgoyska howlwadaag ee Gobolka Banaadir, isla markaana halkaas ka qaaday Ninkii hubeysnaa ee la toogtay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay weeraraadan oo kale.

Weli majirto warkasoo baxay ciidamada Booliska oo looga hadlaayo weerarkaan xalay lagu qaadan ciidanka dowladda.