Nin xaaskiisa oo furriin ka dalbatay darteed u laayey qoyskiisa oo dhan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Booliska dalka Mareykanka ayaa sheegay nin 42 jir ah oo ku noolaa gobolka Utah ee dalka Mareykanka xaaskiisa oo furriin ka dalbatay darteed inuu u dilay 7 qof oo qoyskiisa ka wada tirsan ka hor inta uu isagu isdilin.

Meydka 8-dda qof ayaa Arbacadi laga helay guri ku yaalla miyiga magaalada Enoch xilli la sameeynayey baaritaan ku aaddan  badqabka guriyaha.

Boolisku waxay sheegeen dadka uu ninkaasi dilay iney isugu jiraan xaaskiisa furriinka ka dalbatay, 5 carruur ah uu isagu dhalay iyo hooyadii dhashay xaaskiisa.

Maamulaha magaaladaasi Rob Dotson wuxuu sheegay 8,000 oo qof oo magaaladaasi ku nool iney falkaasi la argagaxeen.

Shir jaraa’id oo maalinti shalay ahayd ay si wadajir ah u qabteen maamulka magaladaasi waxay ku sheegeen ninka wax dilay oo lagu magacaabo Michel Height da’diisuna tahay 42 jir oo ka shaqeeya shirkad ceymis wuxuu marka hore rasaas ku furay xaaskiisa Tausha oo 40 jir ah, hooyadi dhashay xaaskiisa oo lagu magacaabo Gail Earl oo 78 jir ah iyo 5 carrruur ah uu isagu dhalay ka hor inta uu gacantiisaka isku dilin.

Dad murugeysan

Shanta carruurta uu ninkaasi dilay oo aan magacdooda la shaacin ayaa isugu jira 3 gabdhood oo ay da’doodu tahay 17, 12 iyo 7 jir iyo laba wiil oo ay da’doodu tahay 7 jir iyo 4 jir.

Maamulaha magaalada Enoch Rob Dotson wuxuu sheegay meydka dadkaasi la laayey iney boolisku heleen maalinti arbacada oo ay saacaddu ahayd 5-ta galabnimo xilliga Mareykanka, kaddib marki uu qof ku soo wargeliyey booliska ballan ay haweeneyda lahayd maadaamaa ay ka habsaantay in gurigeeda la hubiyo si loo ogado waxa ku dhacay.

Dotson wuxuu intaa ku daray qof kasta oo ka mid ah dadkaasi la laayey iney jirkooda ka muuqatay nabarrada ay u geytseen rasaasta lala dhacay.

Mas’uuliyiinta magaaladaasina waxay sheegeen xaaska ninkaasi iney 21-ka December ay dacwad furriin soo gudbisay.

“Tausha waxay ahayd qof naxariis badan oo dabci wanaagna u dhalatay oo ay jirin weligeed cid ka soo sheegatay,” ayey tiri Tina Brown oo u warrantay KSTU-TV.

Guriga uu dilka ka dhacay

Mas’uuliyiinta magaaladaasi oo uu ku jiro duqa magaalada Jeffrey waxay sheegeen warkaasi naxdinta leh marki ay warbaahinta ka maqleen iney aad uga naxeen maadaamaa ay Tausha ahayd haweeney howlaha samafalka ka qayb qaadan jirtay.

Hase yeeshee, booliska iyo maamulka magaaladaasi faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin sababta dil wadareedka uu ninkan geystay sababtay iyo haweeneyda lafteeda waxa ku kallifay iney furriin dalbato midna.

BBC