Ninka keliya ee” RAG” ku jiray, guddigii hablaha ee qoondada haweenka oo sharaxan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhawaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu magacaabay guddi ka shaqayn doona hubinta matalaadda haweenka ee goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo ka kooban 13 xubnood.

Dhammaan xubnaha marka laga reebo hal nin oo kaliya waa dumar, waliba ninka ku jira waxa uu liiska uga jiraa meesha ugu dambeysa.

Dad badan ayaa su’aalo iska waydiiyay sababta halka nin loogu daray 12 gabdhood iyadoo waliba laga hadlayo qoondada haweenka.

Ninkaasi waa Xasan Axmed Sidiiq oo muddo dheer ka tirsanaa bulshada rayidka.

Xasan Axmed

yaa sheegay in sababta loogu magacabay ay tahay in uu khibrad dheer u leeyahay arrimaha bulshada iyo waliba hormarinta xuquuqda dumarka.

“Howshan waa howl aan horey uga so shaqeyn jirnay aniga iyo rag badan oo ururada bulshada rayidka ka mid ah,” ayu yiri Mr Xasan.

Mr Xasan ayaa isaga oo qoslaya waxaa uu yiri” waa run 12 marwo ayaan aniga saddex tobon ku ahay inkastoo aan marwo la iigu qorin oo mudane la iigu qoray marka waa sida inaad ila socota intaas waa iga kaftan,”

Waxaa uu intaa ku daray in xilligii xukuumaddii madaxwaynihii hore Xasan Sheekh Maxamed uu sido kale ka mid ahaa guddi ka shaqeynayay arrimaha haweenka.

Balse waxaa uu sheegay in xilligaasi ay rag badan kula jireen islamarkana hadda ay ka duwan tahay oo uu isaga oo kali ah rag ka yahay guddiga uu magacaabay rai’sul awsare Rooble.

“Xilligii hore 2016 mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dig-reeto ku magacaabay 13 xubnood ayaan ahayn oo aan u xilsaarnayn inaan xaqiijino qoondada dumarka loogu talagalay ee 30% ah,” ayuu yiri Mr Xasan.

“Waagaas dhowr nin ayaan ku ahayn 7 gabdhood iyo 6 rag ah ayaan ku ahayn laakiin markan rai’sul wasaare Rooble marwooyiinka ayuu xoogga saaray anigana maadaama anan ka mid ahaa dadka aad ugu dhuun duloola oo ururada bulshada wax bada ka soo shaqeeyay saas darteed ayaa la iigu soo daray,” ayuu intaa ku daray.