Ninkii dilay Shinzo Abe oo shaaciyey ‘xog xasaasi ah’ iyo sababta oo u dilay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka NHK ayaa muujiyey Shinzo Abe oo taagan masrax uu taageerayaal kula hadlayey markii nin wata shaati leh midab cowl ah iyo surwaal qaxwe ah uu billaabay inuu gadaal kaga soo dhowaado kadibna uu wax kala soo baxay boorso oo uu billaabay inuu toogto.

Ninka dilay Shinzo Abe ayaa rumeysnaa in ra’iisul wasaarihii hore ee Japan uu xiriir la lahaa koox diimeed uu ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka dhaqaale ee hooyadiis.

Tetsuya Yamagami ayaa sidoo kale bilo qorsheynayey weerarka isaga oo gurigiisa ku sameystay qoriga uu ku dilay Abe, sida ay booliska u sheegeen warbaahinta. 

amagami oo ah nin aan shaqeyn ayaa kaligiis noolaa, umana jawaabi jirin dadka marka ay la hadlaan, sida ay deriskiisa u sheegeen Reuters. 

Waxa uu rumeysnaa in Abe uu taageeray koox diimeed ay hooyadiis ku hanti beeshay sidii ay lacag ugu deeqeysay, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka Kyodo oo soo xiganeysa dambi-baarayaasha. 

“Hooyadey waxay ku qafiiftay koox diimeed aan necbahay,” ayey Yamagami kasoo xigteen Kyodo iyo warbaahinta kale ee Japan. Booliska gobolka Nara waa ay diideen inay ka hadlaan rrintan, 

Warbaahinta Japan ma shaacin magaca koox diimeedka uu Yamagami u careysan yahay. 

Yamagami ayaa waxyaabaha uu ka sameeyey hubka kasoo iibsaday online. Wuxuuna bilo ku bixiyey qorsheynta weerarka, isaga oo xitaa ka qeyb-galay olole doorasho oo kale oo uu ka hadlayey Abe, oo ka dhacay meel 200-mile u jirta halka uu deganaa.