Ninkii tiirka ka furay mid kamid ah raggii dilka ku xukunnaa oo hadlay!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Laba nin oo ay aheyd in maanta lagu fuliyo dil qisaas ah ayaa laga furay tiirkii lagu dili lahaa, Arrinta ayaa ka dhacday Mandheera oo ka tirsan gobolka Saaxil ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhaawaqday madax bannaanida ee Somaliland, halkaas oo saaka tiirka la geeyay lix maxbuus.

Waxa ay daba socotay markii reeraha labada dhinac ay ka heshiiyeen dilkii oo ay mag kala qaateen kaddibna tiirkii laga furay labadaasi nin.

Axmed Saciid Geelle oo kamid ah raggii tiirka kasoo furay raggaas ayaa BBC-da u sheegay in sababta keentay in tiirka ay ka furaan mid kamid ah raggaas ay aheyd inay u dhag raariciyeen codsi uga yimid bulshada oo ahaa in ninkaas aan lagu fulinta qasaasta balse ay qaataan magta isla markaana loo duceeyo.

Wuxuu sheegay in muddo ay ku adkeysanayeen in dilka lagu fuliyo ninkaas balse markii dambe ay gaareen go’aanka.

“Haddii aan nahay walaaladii iyo dadkii ay khuseysay qisaastiisu, go’aan waxaan ku qaadannay in aanan ninkaas ka diyo qaadan sida sharciga ah ee uu dilka ugu fulinayo ninkaas in aan marno, muddo 7 sanadood ah ayaan diidaneyn in aan diyo ka qaadanno, waxaa maanta kalifay xukunka si weyn ayaa umadda Soomaaliyeed noola soo hadashay dibadda iyo gudaha iyo Somaliland gudaheedaba , waxyaabo badan baan eegnay duco qaata baa nala yiri, waa nala barayay, waxaan go’aansanay in aan diyadii qaadano oo aan dilkii jebinno”

Axmed Saciid Geelle wuxuu sheegay in ninkan oo horey u dilay walaalkii oo askari ahaa markii uu xarigga ka furayay uu dareemay farxad xilli raggii kale lagu fuliyay xukunka dilka ah.

“Markii aan saaka ka jebinay dilka ee xarigga ka furnay, dareenkiisa wuxuu noqday aduunyada farxaddii ugu weyneyd in uu la kulmay, xabbaashiisu wey qodneyd, tiirka ayaa lagu xiray, Ma anaan la sheekeysan.. anaga dilkii kaa fulinay, wax dhaafsiisan uma aanan gelin”

“Waxaan ku heshiinay in aan kala qaadano magta , waraaqihii baan kala qoranay iyadoo duco iyo baryo aan ka qaadanay umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Axmed Saciid Geelle.

Labada nin oo aan magacyadooda weli la shaacin ayaa ka soo kala jeeda Koonfurta Soomaaliya iyo magaalada Laascaanood.

Ninka reer Koonfurka ah ayaa lagu helay dembi ah inuu dilay askari ka tirsan ilaalada xabsiga Hargeysa oo uu ku xirnaa, iyadoo markii hore loo qabtay burcad badeednimo.

Ninka reer Laascaanood oo horay uga tirsanaa ciidamada Somaliland ayaa dilay nin ay isku heyb yihiin, waxaana ay maxkamad go’aamisay in lagu fuliyo xukun qisaas ah.

Diinta Islaamka ayaa qofka qisaasta loo fulinayo siisay saddex khiyaar oo ah; in gacan ku dhiiglaha loo dilo, in diyo uu ka qaato ama in uu iska cafiyo.

Inta badan ma dhacdo in qof tiirka la geeyay si qiyaas loogu fuliyo uu ka badbaado xaaladdaas.