NISA oo burburisay amarkii RW Rooble iyo dad ka dhoofi rabay garoonka Aadan Cadde oo loo diiday.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyahii hore ee gobolka Gedo, Cusmaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa sheegay in hay’adda nabad sugida ka hor-istaagtay in uu ka dhoofo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Macalimo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan nabad-sugida ay la xiriireen mas’uuliyiinta laanta socdaalka ee garoonka, sidaasna safarkiisa oo ku wajahnaa gobolka Gedo uu ku baaqday.

“Markii aan tagnay garoonka waxaa nalaga celiyay halka laga galo, markii aan weydiinay cida na haysato waxaa na loo sheegay in Cabdullaahi Kullane oo ka tirsan nabad suggida uu na haysto” ayuu yiri guddoomiye Macalimow.

Sidoo kale, guddoomiye Macalimow ayaa Ra’iisul wasaare Rooble ugu soo jeediyay in uu tillaabo ka qaado saraakiishii jabisay amarkiisa ee ahaa ‘in aan qofna laga celin karin garoonka’.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhowaan laamaha amniga faray in aan qofna laga celin karin garoonka.