NISA oo soo bandhigtay Sarkaal hub kala soo goostay Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay sarkaal la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab kaasoo lagu magacaabo Ciise Cumar Deerow Isxaaq.

Ciise Cumar Deerow oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegy in uu qeyb ka ahaa dagaalo dhowr ah oo ka dhacey Gobolada Jubbooyinka iyo Baay, waxaana sidoo kale Hay’adda Nabadsugida ay soo bandhigtey hub uu kala soo goostey Al-Shabaab oo ay kamid yihiin 2-qori oo AK47 & hal BKM ama Dabajeex.

Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa Weeraradda, isagoo kooxda ka tirsanaa  muddo 8-sano ah sida uu sheegay.

“Waxaan amiir ama hogaamiye u ahaa koox Jabhad ah oo tira ahaan gaareysa 400” ayuu yiri Ciise Cumar Deerow Isxaaq.

Sidoo kale Cumar ayaa hoosta ka xariiqey inuu fahmey dhibaatada ay shacabka ku hayaan, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada kale ee weli kasii tirsan Ururka Al-Shabaab inay isaga oo baxaan.

Saraakiisha Ciidamad Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed aya dhankooda u mahad celiyay Ciise Cumar maadama uu kasoo baxay Ururka Al-Shabaab, waxana ay sheegeen inay soo dhaweeynayaan qof kasta oo kasoo tagaya.