Nooc cusub oo fayraska korona oo laga helay Ingiriiska

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waddamada reer galbeedka ayaa billaabay iney xayiraado cusub ku soo rogaan dalka UK si ay uga gaashaantaan nooca cusub ee fayraska korona ee dalkaasi laga helay.

Qaar ka mid ah waddamada reer Yurub waxay joojiyeen dhammaan duullimaadyadi Ingisriiska ka imanayey.

Nooc cusub ee fayraska korona ayaa si degdeg ah ugu faafay magaalada London iyo Koonfurta-Bari England

Ra’isal wasaaraha Britain Boris Johnson wuxuu sabtidi ku dhawaaqay xayiraado afar heer oo kala duwan maraya oo laga hirgelinayo goobaha nooca cusub ee fayraska korona laga helay, wuxuuna gabi ahaanba uu meesha ka saaray nasashadi iyo kulammadi ay malaayiinta qof ee u dabbaal degaya ciidda miilaadiga ay sameynayeen .

Khubarada sare ee caafimaadka waxay sheegeen inaan la hayn caddeymo muujinaya nooca fayraska korona ee cusub inuu yahay mid ay khatartiisu badan tahay, ama si ka duwan ula falgalayo tallaallada haatan socdo.

Balse waxay khubaradu sheegeen iney ogaadeen noocani cusub ee fayraska korona inuu yahay mid 70% la iisu gudbin karo.