Nuxurka khudbadii Farmaajo iyo hadal aan looga baran oo xalay laga maqlay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka, ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka war-bixiyey guulaha la taaban karo ee laga xaqiijiyey dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ay u difaacayaan Dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka.”

Madaxweynaha ayaa ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.