Odayaasha iyo dhallinyarada iska leh Kursiga Hop 86 oo billaabay abaabul iyo qorsho ka dhan ah…

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa weli hakad ku jira qaar kamid ah kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo qaarkood aan hada laheyn wax mataalad ah.

Kursiga sumadiisa tahay Hop 86 ayaa kamid ah kuraasta shacabkiisa aan laheyn wax matalaad, haseyeeshe mudooyinkan dambe waxaa dhaqdhaqaaq waday Odayaasha, dhallinyarada iyo siyaasiyiinta kursigan iska leh oo raba inan markan keensada qofkii ku matalilahaa kursiga.

Beesha iska leh kursigaan ee Reer Ow-xasan ayaa markaan damacsan in kursiga ku ay fariisiyaan dad loo soo xulay oo loo diyaariyey lana rabo in si dhab ah loogu adeego Beesha.

Guddooyimaha Golaha shacabka ayaa shaaciyey in la dhawaan la qaban doono doorashada kuraasta koraasta ka maqan xubnaha Baarlamaanka waxaan awood loo siiyey Ra’iisul wasaare Xamza oo iska leh qaban qaabada iyo masuuliyada doorashadan Koraastaan.

Fahad yaasiin oo horey kursigan ugu soo qaatay Beledweyne ayaa loo diiday kadib markii dagaal adag uu dhexmaray isaga iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomali Xuseen Rooble oo xiligaas doorashada maamulaayey, tan iyo markaas waxaana matalaad la’aan ahaa beesha iska laheyd kursigan.