Orodyahanka Mo Farax oo Hargeysa lagu guddoom siiyey abaalmarin qaali ah.

Abaalmarin qaali ah
Abaalmarin qaali ah

HARHEYSA-AYAAMAHA-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabiley orodyahan Maxamed Mukhtaar Jaamac Faarax (Sir Mo Farah) oo uu wehelinayey Orodyahan Cabdi Aadan Nageeye oo u orda Dalka Nederland ama Holland oo ay saaxiibo yihiin Mo Farah oo isna u orda Dalka Ingiriiska.

Kulankan madaxweynaha Somaliland ku qaabiley Oradyahannada caanka ah ayaa ahaa dhiirigelin uu Madaxweynuhu u muujiyey labadaa orodyahan, isagoo kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda, tusaale fiicana u noqdaan jiilasha soo koraya.

Sidoo kalena, Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay magaca iyo sumcada ay u keeneen dadka ku hadla afka Soomaaliga meel ay joogaanba, gaar ahaan shacbiga Somaliland oo uu ka soo jeedo Mo Farah.

Ugu danbayntiina waxa uu Madaxweynuhu ku muuneeyey orodyahanada bilado abaalmarin ah oo ka turjumaya dedaalka iyo kartida ay muujiyeen, gaar ahaana magaca iyo sumcada ugu soo hooyeen dalka Somaliland iyo guud ahaan inta afka Soomaaliga ku hadasha.

Abaalmarin qaali ah
Abaalmarin qaali ah