Pro. Jawaari oo lagu dhex arkay kulan maantii labaad golaha wasiirada ugu socda Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa furay kulan Wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galay maalintii labaad, laguna gorfeynayo howlaha mudnaanta u leh xukuumadda #DanQaran iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Kulanka oo sida la og yahay shalay furmay ayaa waxaa laga dhageystay Warbixino qaar ka mid ah wasiirada islamarkaana ay soo gudbiyeen macluumaad kusaabsan talooyinka muhiimka ah ee shaqooyinka Xukuumada hor yaalla.

Kulanka maanta waxaa goob joog ka ahaa,Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) kaasi oo ah feylasuuf arimaha dastuurka iyo sharciga si fiican uyaqaana,wax badana Xukuumada ku kordhin kara talooyin wax ku ool ah.

Jawaari hadda xildhibaan & Wasiir midna maaha,balse warar madax banaan oo aan helnay ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Barre uu lataliye gaar ah doonayo inuu umagacowdo Prof, Maxamed Cusmaan Jawaari.