Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo durba weerar ku qaaday Farmaajo kadib doorashadiisa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kursiga Saddexaad ee Golaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa goordhow lagu doortay teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Kursigaan ayaa waxaa wareega 1aad ku tartamay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari,  Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, waxaana wareega 1aad ku haray Cabdiraxmaan Cismaan Cali.

Wareega labaad ee doorashada ayaa waxaa ku tartamay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari,  Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo, waxaana kursiga kusoo baxay Prof. Cabdi Ismaacil Samatar.

Markii la doortay kadib ayuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee fadhiya Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in laga guuleystay kelitaliskii.

“Maanta waxaa tallaab horay loo qaaday soo celinta dimuquraadiyada geeska Africa oo halis ugu jirtay in kaligii taliye maan-gurracani dib uga curto, waxay ila tahay malaha howl baaxad leh baa inoo taala” ayuu yiri Samatar.

Isagoo sii hadlaya ayuu “waxaan u mahad-noqoyaa dhammaan inti qeyb ka noqotay inaan maanta kamid noqdo xubnaha aqalka sare ee DFS, gaar ahaan salaadiintii, aqoonyahankii, haweenki iyo wax-garadki gobollada woqooyi ee maanta igu aaminay xilkaan, in allaale intaan ballan qaadayna waan fulin doonaa hadii Alle idmo.

Prof Samatar waxa uu katirsanaa garabka Cabdi Xaashi ee dagaalka adag lasoo galay Villa Somalia oo bilooyinkii la soo dhaafay, waxaana doorashada kursigiisa ku baxay lacag aan yareyn markii loo eego kuraasta kale.