Prof Jawaari, marka xilka G/Baarlamaanka qasab looga tuuray marna tartanka kursigiisa laga reebay!

Prof Jawaari maalinkii xilka guddoomiyaha Baarlamaanka sida qasabka looga tuuray ayuu hadaljeedintii uu ku tanaasulay wuxuu tusaale ugu soo qaaday qisadii labadii haweenka ahaa ee cunugga isku qabsaday ee garsoorihii uu yiri waa idiin kala goynayaa, oo ay tii aan dhalin oggolaatay, halkii tii hooyadii aheyd ay oggolaatay in la siiyo tii aan dhalin, intii la kala goyn lahaa. Maalinkaa ayaan saaxiibkeey ku iri wiilku sidan kuma sii noolaan karo.

Maalintii tartanka kursiga loo diiday ayuu Jawaari yiri “Soomaaliya Allaha u naxariisto”, taasoo sidii aan saaxibkeey horay ugu sheegay in wiilkii uu dhintay, sababtoo ah dulmigu Dowladaha waa burburiyaa, halka caddaaladdu ay nooleyso. Sidaa darteed ayuu Ilaaheey Quraankiisa dadka mu’miniinta ku ammaanay in yihiin kuwa ajiiba amarkiisa, salaadda ooga, taladooduna wadatashi tahay, wixii Alle siiyana bixiya. Wuxuu kaloo yiri “Waa kuwa dulmiga iska diida”

‎وَالَّذينَ استَجابوا لِرَبِّهِم وَأَقامُوا الصَّلاةَ وَأَمرُهُم شورى بَينَهُم وَمِمّا رَزَقناهُم يُنفِقونَ ‎وَالَّذينَ إِذا أَصابَهُمُ البَغيُ هُم يَنتَصِرونَ

Waxaa qoray CCWarsame