Prof:- Jawaari oo weerar ku qaaday Farmaajo iyo Rooble.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka hadlay khilaafka Rooble iyo Farmaajo ayaa aad u dhaliilay labada dhinacba, isagoo sheegay in waxa ay ku doodayaan aysan muhiim aheyn.

“Xaalada maanta dalka ka jirta lagama aamusi karo, waligeedna Soomaaliya sooma marin tan oo kale, waligeed nama soo marin madaxweyne xafiiska iska joogo ku dhawaad sanad,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo shir jaraa’id qabtay.

Guddoomiye Jawaari ayaa aad ugu dhaliilay madaxa Soomaalida in aysan ku dhaqmin dastuurka iyo shuruucda dale dalka, “Qof kasta sida uu rabo ayuu u sheegtaa dastuurka, xishoodkii iyo dhaqankii waa laga tegay, waxaas dowladnimo maaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale Jawaari ayaa sheegay in madaxda ku shireysa Muqdisho ay isku dan yihiin oo mid kasta uu doonayo sidii xildhibaanka uu doono soo saarta oo isaga taabacsan, “Dhinac kasta waxa u raadinayo waa baadil, waxaa loo baahan yahay tanaasul,” ayuu yiri.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Hada waxay u muuqataa madaxtooyada, xukuumadda federaalka, iyo maamul goboleedyada, waxay rabaan waa isku mid, dhinac kasta waxa uu rabaa inuu soo saarto xildhibaanka uu isago doonayo, war waxaan idin leeyahay danta guud ee dalkaan waa ka weyntahay danaha gaarka ah,”

Jawaari waxa uu sheegay in hoggaaminta baarlamaanka dalka loo doortay laba jeer, “Intii aan hayey xilkii ugu dambeeyey anigoo heysta taageero igu filay ayaa waxaa si xun oo kheyru caadi ah iila dhaqmay, laanta fulinta, markii aan fiiriyay danta guud, waxaa ii soo baxday inaan shacabka u tanaasulo.