Professor Cabdiwahaab oo ka sheekeeyay arrin cajiib ah oo kala kulmay kooxdii afduubatay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ah Cilmi-baare-Kenyan-Soomaali ah oo laga qafaashay bartamaha magaalada Nairobi oo markii dambe la sii daayay isagoo aan waxba gaarin ayaa sheegay inuusan aqoonsan karin kuwii afduubtay.

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ahaa agaasimaha fulinta ee Machadka Daraasaadka Istiraatiijiyadda Geeska Afrika ahna falanqeeye ka tirsan Southlink Consultants ayaa qoyskiisa iyo saaxiibbadiis kula sheekeystay gurigiisa Koonfurta C maalin kadib markii la sii daayay wuxuuna daaha ka qaaday qeyb ka mid ah wixii ku dhacay intii uu ku jiray gacanta .

Sida laga soo xigtay dadka la hadlay, Cabdisamad ayaa sheegaya in dadka afduubtay ay danaynayeen dhaqdhaqaaqiisa iyo ku xirnaanta Soomaaliya iyo amniga gobolka.

Arrinta xiisaha iyo naxdinta leh ayaa ah in dadka wax afduubay aysan ka qaadin Bistooladdii uu watay oo lahayd 15 xabadood.

Waxaa dib loogu soo celiyey markii la sii daayay Koonfurta C fiidnimadii Axadda. Cabdisamad waa nin u haysta ruqsad hubka.

“Waxaa la i qafaashaday anigoo marayay wadada Tubman kuna sii jeeda hotel aan kula balansanaa nin aan saaxibo nahay,”ayuu yiri. Cabdisamad aya sheegay in lagu hayey guri ammaan ah oo mararka qaar dadka wax afduuba ay kula hadlaan isaga oo adeegsanaya sameecadaha halkaas lagu rakibay.

Afduubayaasha waxaa marwalba u xirnaa wajiga iyagoo siinayay dawooyinka uu u baahdo,raashin wanaagsan iyo qol uu ku tukado.

“Waxa ay i tuseen sawiro safar aan ku tegey Soomaaliya, intii aan joogay Soomaaliya waxaan filayaa in tan ay ahayd sababta la ii qafaashay , ”ayuu yiri xubin ka tirsan qoyska oo la hadlay.

Kooxdii haysatay ayaa u soo saartay saddex Baasaboor oo kala ahaa dalalka Kenya, Soomaaliya iyo Turkiga- waxayna ka codsadeen inuu mid doorto Kan Kenya ayuu doortay.

Ma uusan sharxin waxa ku haray inta kale iyo sababta baasaboorka loo soo saaray.
“Waxaan u maleynayaa inay doonayeen inay tijaabiyaan daacadnimadiisa. Waa Kenyan ka yimid Wajeer, ”ayuu yiri qaraabada.

Cabdisamad wuxuu u sheegay saaxiibbadii dadka afduubtay inay mar walba weydiinayeen su’aalo ku saabsanaa arrimaha ammaanka Kenya, argagixisada iyo dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyo xiriirkiisa. Wuxuu intaas ku daray inuusan weli go’aan ka gaarin haddii uu ka raadsan doono xal sharci arrinta.

Maalmo kadib markii la kaxaystay, waxaa la siiyay taleefan wuxuuna la hadlay qoyskiisa si loogu sheego inuu meel joogo oo nabad qabo. Si kastaba ha ahaatee ma uusan ogeyn meesha uu joogo laakiin wuxuu u maleynayaa inay ka fog tahay magaalada Nairobi.

Waxa uu sheegay in markii ay go’aansadeen inay sii daayaan ay ugu waceen mooto bajaaj, kadibna siiyeen lacag 2,000 oo Kenya shilling ah, una sheegaan qofka waday mootada inuu geeyo gurigiisa xaafadiisa South C.