Puntland iyo Jubbaland oo noqday Maamuladdii Ugu Horeeyey Ee Soo Magacaabo G/doorashooyinka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kadib markii heshiis laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya oo caqabad ka taagneyd in muddo ah ayaa waxaa laysla gartay in si dhaqso leh guddiyada doorashooyinka loo magacaabo si doorashada 2021 loo guda-galo.

Puntland iyo Jubbaland waxaa horay loogu eedeeyay inay doorasho diid yihiin, oo aysan magacaabin Guddiga doorashada in muddo ahna ay ka caga jiidayeen intii uu jiray khilaafkii ka taagnaa doorashada.

Hase yeeshee labadan dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa durba soo magacaabeen Guddiga doorashada ee labada heer, halka Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed aysan weli soo gudbin liiska Guddiga ku matalaya doorashada.

Seddexdaan Maamul Goboleed ee Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed ayaa waxay ahaayeen kuwii u horreeyay ee soo magacaabay Guddiyadii muranka ka dhashay kaddib saxiixii 17 September 2020.

Arrintaan ayaa meesha ka saaraysa in Puntand iyo Jubbaland ay ahaayeen kuwo diidanaa doorashada.