Puntland oo beenisay arrin laga faafiyey dagaalka Magaalada Boosaaso

22

GAROWE-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga ee Puntland, ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Gor-gor ay ka dagaalamayaan magaalada Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in dagaalkaasi kaliyah ay ka qeyb galeen Ciidanka PSF ee hoggaaminaayo Maxamuud Cusmaan Diyaano.

Wasiirka Amniga ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa carrabka ku adkeeyay in ay aqbalayaan oo kaliya in la raaco dastuurka maamulkaasi oo hoggaanka ciidammada PSF uu xilka wareejiyo.

Cabdisamad Maxamed Gallan, oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa in agaasimihii PSF ee xilka laga qaaday uu weerrarka Boosaaso soo qaaday, wixii ka dhashayna uu mas’uuliyadeeda qaadi doono.

Dhanka kale wasiir Gallan waxa uu intaasi ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin nabad iyo wadaxaajood, balse marnaba aanay ka tanaasulayn ku dhaqanka dastuurka.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo haatan ay deggan tahay xaaladda magaalada Boosaaso walow tan iyo shalay uu halkaas ka socday dagaal ay dhowr qof ku dhinteen, kuwo kale ay ku dhaawacmeen, halka dad badanna ay guryahooda isaga carareen.