Puntland oo cabsi xoogaan soo wajahday kadib weerarkii Al-Shabaab ee Dowlad deeganka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa walaac xoogan ka muuujiyay xaaladda Amni ee xilligaan Soomaaliya, isaga oo sheegay in dalka uu ku sugan yahay xaalad aad u daran oo dhanka Amniga ah.

Waxaa uu sheegay in laamaha Amniga iyo Shacabka Puntland looga baahan yahay inay muujiyaan feejignaan dhanka Amniga ah maadaama dagaalo ay ka socdaan meelo kamid ah Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin Al-Shabaab.

Waxaa hadalkiisa uu intaasi kudaray Madaxweynaha Puntland in dadka Reer Puntland inay yihiin dad mideysan oo iska celiya cadawgooda, wuxuuna markale ugu baaqay Shacabka iyo laamaha Amniga inay sii xoojiyaan feejignaan tooda dhanka Amniga, isla markaana ay ilaashadaan maamulkooda.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Maamulka dowlad degaanka Soomaalida ,Isla markaana Puntland oo xaduud la leh Maamulka dowlad degaanka ay la saxiixdeen iskaashi dhinaca Amniga ah.