Puntland Oo Daah-Furtay Wejiga Labaad Ee Tallaalka Cudurka COVID-19

GAROOWE-AYAAMAHA-Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka  Puntland ayaa maanta oo Sabti ah degaanada   Puntland ka bilaawday wajiga labaad ee tallaalka Cudurka safmareenka ah ee Covid19.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jamac Faarax Xasan ayaa garowe ka daahfuray talaalka wajiga labaad kaas oo isaguna qaatay talaalka, waxaa uu wasiirku dadweynaha reer Puntland kula dardaarmay inay dadkii horay u qaatay wajiga koowaad ee talaalka ay qaataan wajiga labaad oo ah kan ugu danbeeya.

Dadweyne fara badan ayaa talaalka maanta ka qaatay Xarumaha talaalka lagu bixinayo, waxaana dadka oo hadlay ay sheegeen in talaalkii hore aysan wax dhibaato ah kala kulmin kalsoonina ku qabaan.

Talaalkan ayaa loogu talagalay inay qataan shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta kuwaasi oo ah kuwa saamaynta ugu badan uu ku yeelanayo xanuunka marka uu ku dhaco.

Sidoo kale waxaa Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka daahfuray talaalka wajiga labaad Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed, isaga ayaana talaalka qaatay dadweynaha gobolka Bari faray inay dadkii talaalka horay uqaatay ay wajiga labaad qataan.

Talaalka Cudurka halista COVID-19 ayaa muddo 5 maalmood ah socon doona, iyadoo dadkii hore uqaatay la siin doono wajiga labaad.