Puntland oo gacanta ku dhigtay khamri iyo dadkii ka siday.

GAROWE-AYAAMAHA-Ciidamada Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaalada Garoowe ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa gacanta ay ku dhigeen Khamri farabadan oo la doonayay in la soo geliyo Magaalada Garoowe

Maandooriyaha Khamriga ayaa waxaa lagu soo bandhigay Saldhiga Galbeed ee Magaalada Garoowe Caasimadda Maamulka Puntland.

Taliye ku xigeenka saldhiga galbeed Xiddigle Cabdullaahi Cali Wadaad (Qoob) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhalooyinkaas khamriga ah iyo darawalka gaarigii siday loo gudbin doono sharciga.

Sidoo kale taliye ku xigeenka ayaa sheegay in ay baxsadeen laba nin oo saarnaa gaariga khamriga siday islamarkaana weli Booliisku ku raad-joogaan.

Magaalada Garoowe iyo degaannada kale ee Puntland ayaa waxaa dhowr jeer lagu soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya iyo dad ka Ganacsanayay oo xukuno kala duwan lagu riday.