Puntland Oo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso U Fasaxday Duulimaadyada Caalamiga Ah

BOOSAASO-AYAAMAHA-Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ay kusoo kordhisay duulimaad caalami ah oo halkaas laga bilaabayo.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo Qoraal soo saaray ayaa ku sheegay in Garoonka Boosaaso ay ka daah-fureen duulimaad ay sameeyneyso shirkadda Diyaaradaha ee Halla Airlines.

Wasiir Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in Duulimaadkan uu noqon doona mid joogto ah, isla markaana isku xiri doono Magaalada Shaariqa oo ka tirsan dalka Imaaraadka Carabta iyo Boosaaso, iyadoo Diyaaradda ka timaadda Shaariqa ay toos u tegi doonto Boosaaso.

Waxaa naga go’an horumarinta Duullimaadyada Gudaha iyo Caalamiga ee Puntland si ay u fududaato isu socodka dadka reer Puntland,” ayuu yiri wasiir Ilyaas Lugatoor.

Duulimaadkan cusub ee ay Puntland ku soo kordhisay garoonka  Boosaaso ayaa noqon doono mind maalin kasta oo Talaado ah,waxaana sameyneyso shirkadda Halla Airlines.

Wasiir Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in duulimaadka cusub ee ku soo kordhiyeen Garoonka diyaaradaha Boosaaso uu noqon doono Maalinta kasta oo talaadada ah, isla markaana ay sameeyneyso shirkadda Diyaaradaha ee Halla Airlines.

Si kastaba, Puntland ayaa xiriir wanaagsan la leh Imaaraadka Carabta oo mashaariic kala duwan ka fuliyo deegaanada maamulkaasi.