Puntland oo halmar ku dhawaaqday doorashada 16 kursi oo lagu qaban doono Boosaaso

Doorashada golaha shacabka
Doorashada golaha shacabka

BOOSAASO-AYAAMAHA-Guddiga Maamulka doorashada heer dowlad Goboleed (SEIT Puntland) ayaa shaaciyay qabashada doorashada 16 kursi oo kamid ah 37 kursi ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Puntland.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Puntland ayaa lagu sheegay inay qaban doonaan 16 kursi oo doorashadooda maalmaha soo socda ka dhici doonto deegaan doorashada labaad ee Puntland, halkaas oo ah Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Guddiga ayaa la filayaa inay soo saaraan Jadwalka doorashada kuraasta ay shaaciyeen, sidoo kalena laga sugayo inay soo bandhigaan Magacyada Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada doorashada 16-ka kursi ee lasoo saaray