Puntland oo ka hadashay hubkii la sheegay in ay siisay Ahlusuna

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamul gobolleedka Puntland ayaa ka jawaab celiyey warar la isla dhexmarayey saacadihii lasoo dhaafay oo ahaa in xubno sar sare oo katirsan Ahlusuna marti geliyeen.

Gudoomiyaha gobolka mudug Ee Puntland C/ladiif Muuse Sanyare oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa beeniyey wararkaasi jiritaankooda islamarkaana sheegay inay aaminsan yihiin maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay gudoomiye sanyare in dad gaar ah ay abuurayaan iska hor keenida labada maamul ee Puntland iyo Galmudug isagoo cod dheer ku sheegay in Galmudug iska kaashadaan dagaalka Al Shabaab.

Hadalka sanyare ayaa kusoo beegmaya xilli shalay madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor qoor) uu sheegay inay jiraan dad taageerayey Ahlusuna balse uusan magac dhabin,hayeeshee Puntland ayaa jawaab ka bixisey wararka la isla dhexmarayey baraha bulshada inay ahlusuna taageero meliteri ku caawinayeen dagaalkii Guriceel.