Puntland oo shaacisay talaabada xigta kadib go’aankii xiriirka ugu jareen Wasaarada Maaliyada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, Xasan Shire Abgaal ayaaa tilmaamay in Wasiirka cusub ee Wasaarada Maaliyada uu si bareer u baal maray dhammaan heshiiyadii horay u dhex maray wasaaradaasi iyo Maamul goboleedyada

Wasiirka oo wareysi siiyay Idaacadda BBC ayaa Wasiirka cusub ee Maaliyadda Dowladda Federaalka ku eedeeyay in uu gaaray go’aano uusan kala tashan dowlad goboleedyada, taasi oo keentay in la joojiyo wada shaqeynta.

Waxa uu shardi uga dhigay in dib loo soo celiyo xiriirkii wada shaqeyneed in marka hore ay Wasaaradda Federaalka ilaaliso heshiisyada la xiriira Maaliyadda ee hore loo gaaray

“Dalku waa Federaal, wasaaradda Xamar joogta oo keliya ma ahan, waxaan rabnaa sidii aan u wada shaqeynaynay, dowladdu in ay ka madax banaanto qof kaligii in uu yiraah aniga sidan iri” ayui yiri wasiir Xasan Shire.

Si kastaba, Majiro wax war ah oo arrintan ay ka soo saartay dowladda federaalka, waxaana socda dadaalo ay madaxtooyada hormuud u tahay kaasoo lagu doonayo in xal looga gaaro tabashada Shantaasi maamul goboleed.