Puntland oo shaacisey doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

GAROWE-AYAAMAHA-Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed (SEIT Puntland) ayaa shaaciyey 10 kursi oo ka mid ah quraasta Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kuraasta ay Puntland soo saartay ayaa waxaa kala yihiin.

  1. HOP196, HOP166.
  2. HOP128, HOP200.
  3. HOP325, HOP223.
  4. HOP249.
  5. HoP232.
  6. HOP094 iyo HOP144,

Waxaana kuraastaas ku fadhiyey Xildhibaano ka mid ahaa Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad.

Tallaabadan ayaa imanaaysa ayadoo uu taagan yahay khilaaf kale oo doorashada la xiriira oo u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble.

Dhanka kale maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in ay ka qayb galayaan shirka Golaha wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay Ra’iisal wasaare Rooble.

Waxaase si cad u qaadacay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen oo sheegay in uusan shirkaa ka qayb galayn isagoo Ra’iisal wasaaraha ku eedeeyey in uu khilaaf ka dhex abuuray guddiyada doorashada.

Maamulka Hirshabeelle ayaan weli shaacin kuraasta ugu horreeysa ee doorashada Golaha Shacabka, halka weli aysan bilaabin doorashada Jubbaland oo kaliya shaacisay Liiska 14-ka kursi ee doorashada Golaha, balse sheegtay in talaadada la qabanayo doorashada kuraasta.