Puntland oo sheegtay inay degaano kala wareegtay Daacish

BOOSAASO-AYAAMAHA-Ciidamada Difaaca Maamulka Puntland ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay howlgallo ka wadaan degaannada Buuraleyda ah ee Gobolka Bari, halkaas oo mararka qaar ay weeraro kala duwan ka fuliyaan Xubno ka tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

Saraakiihsa Ciidamada Difaaca Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay Ciidamadu Daacish uga qabsadeen dhulka Buuraleyda ah ee degaannada Dhabancado, Hul-caanood iyo Togga Il-Cameyra oo ka tirsan Calmiskaad, halkaas oo dhufays u ahayd kooxda Daacish.

Dagaal kooban oo ka dhacay degaannada Buuraleyda ee Gobolka Bari ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana la sheegay in weli degaannada howlgalka uu ka socdo laga maqlayo rasaas goos goos ah..

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay sidii wadi soonaan ilaa dhulka Buuraleyda ah ay ka saaraan Kooxda Daacish oo falal Amni darro ka geysata Magaalada Boosaaso iyo degaannada kale ee Gobolka Bari.