Puntland oo soo saartay go’aamo lagu sugayo amniga doorashooyinka

GAROWE-AYAAMAHA-Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa shir gudoomiyay kulan diiradda lagu saaray amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, kuwaas oo loo balansan in dhawaan la qabto.

Shirka waxaa kasoo qeyb galay Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha maamulka Puntland.

Waxaa shirka qeyb ka ahaa saraakiil sare oo amni, kuwaas oo ay ka mid yihiin la-taliyaha dhanka ammaanka ee Madaxweyne Deni, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay’adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale.

Shirkaas ayaa ku soo dhamaaday guul, isla markaana lagu gaaray go’aamo lagu sugayo amni doorashooyinka dowladaha hoose ee dhawaan la qabanayo.