Puntland Oo Soo Saartay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray liiska 22-ka musharax ee u tartamaya 11-ka kursi ee Puntland afarta sano ee soo socota ku matali doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Xubno hore uga tirsanaa Aqalka Sare oo ay ka mid yihii Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cabdirisaaq Jurille ayaan ka muuqan liiska cusub ee madaxweyne Deni.

Sadex ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Puntland ayaa loo goondeeyay haweenka, waxaana ku tartami doona musharaxiinta haweenka ah oo kaliya.