Puntland oo toogasho ku fulisay Shabaabkii ugu badnaa halmar xukun lagu fuliyo.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay 18 ka mid ah Maleeshiyaadka Al-shabaab oo horey Maxkamaddu xakun dil ah ugu ridday.

Waa markii ugu horreeysay ee Maamulka Puntland tiro intaasi la eg oo lagu helay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ay ku toogtaan gob fagaaro ah, iyada oo weli degaannada Puntland ay ka dhacayaan dilal qorsheysan iyo qaraxyo.