Puntland oo Xabsiga u taxaabtay 13 Askari

GAROOWE-AYAAMAHA-Ciidanka Ciidamada Booliiska Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay 13 askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland, kuwaas oo loo soo jeediyay eedeymo kala duwan.

Askarta la xiray ayaa waxaa lagu eedeeyay inay isku dayeen in ay xoog kula baxaan hub ku xeraysan xeradaTababarka Ciidamada Xorgoble ee Magaalada Qardho, balse Booliiska ay sheegeen inay fashiliyeen.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in is-rasaasayn kooban ay dhexmartay labada dhinac, taas oo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana Amniga Xarunta la wareegay Booliiska oo kaashanaya ciidanka Madaxtooyada Magaalada Qardho.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Magaalada Qardho ayaa waxaa ay sheegeen Askarta lagu eedeeyay inay hubka la bixi rabeen ay gaarayaan 20 askari 13 kamid ah gacanta ku dhigeen halka 7 harsan ay ku raad joogaan.