Putin oo markii ugu horreysay Qirtay dharbaaxadii Ukraine ka soo gaartay

Editorial use only. HANDOUT /NO SALES HANDOUT /NO SALES Mandatory Credit: Photo by RUSSIAN PRESIDENT PRESS SERVICE/HANDOUT/EPA-EFE/Shutterstock (12820799a) A handout photo made available by Russian President Press Service shows Russian President Vladimir Putin as he speaks about authorising a special military operation in Ukrainian Donbass region in Moscow, Russia, 24 February 2022. Russian President Vladimir Putin announced a 'special military operation in the Donbass with the aim, as he put it, of demilitarizing and denazifying Ukraine, as well as bringing to justice those who committed numerous bloody crimes against civilians.' Martial law has been introduced in Ukraine, explosions are heard in many cities, including Kiev after Russian troops entered Ukraine early 24 February. Russian President Vladimir Putin announced a 'pecial military operation' in the Donbass, Moscow, Russian Federation - 24 Feb 2022

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Putin ayaa ku adkeystay in weeraradii ugu dambeeyay ee Ukraine aysan waxba ka bedeli doonin qorshaha militari ee Ruushka.

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in lix maalmood gudahood ay gobolka waqooyi bari ee Kharkiv ay ib ula wareegeen in ka badan 8,000 kilo mitir oo laba jibaaran

Putin ayaa sheegay in aanu wax degdeg ah qabin, wuxuuna intaa ku daray in Ruushku aanu ilaa hadda ciidamiisa oo dhan dagaal gelin.

“Hawlgalka iyo weerarka Donbas ma joogsanayo, wey sii soconayaan laakin si xawli ah uma soconayaan oo si tartiib tartiib ah ayay  dhul badan u qabsanayaan,” ayuu yiri ka dib shir madaxeed ka dhacay Uzbekistan.

Gobolka Donbas ee wershadaha ee bariga Ukraine ayaa ah halka Ruushka diiradda u saaran ka dib duulaanka Ukraine, kaasoo Mr Putin uu si been abuur ah u sheegay inay lagama maarmaan tahay in dadka ku hadla afka Ruushka laga badbaadiyo xasuuqa.

Qaybo ka mid ah Donbas waxa qabsaday gooni u goosad uu Ruushku taageerayay tan iyo 2014. Gobolka Kharkiv, oo ah goobta uu dhawaan ka dhacay weerarka rogaal celiska ah ee ay Ukraine ku qaadday ciidamada Ruushka, ayaan qayb ka ahayn Donbas.

Khudbaddii  Jimcaha, Mr Putin wuxuu sidoo kale tilmaamay in keliya qayb ka mid ah ciidamada Ruushka ay ka dagaalamayaan Ukraine, isagoo ku hanjabay inay “jawaab ka sii daran” ka bixin doonaan haddii weerarrada Ukraine ay sii socdaan.

“Waxaan idin xasuusinayaa in ciidamada Ruushku aysan dhammaantood dagaal gelin… Kaliya ciidanka xirfadlayaasha ah ayaa dagaalamaya.”

Ruushka ayaa markii hore gaashaanka u daruuray in ciidamo loo soo diro dalka Ukraine, balse dhowr sarkaal ayaa la ciqaabay ka dib markii ay soo shaac baxeen kiisas la xiriira askar lagu qasbay in ay saxiixaan qandaraasyo iyo mararka qaar maxaabiis ahaan.

Ilaa hadda, Ruushku si rasmi ah uguma dhawaaqin dagaal ka dhan ah Ukraine, kaliya waxa uu duullaankiisa ku tilmaamay “hawlgal milatari oo gaar ah”.

Laakiin ka dib khasaarihii dhowaan soo gaaray Ruushka, qaar ka mid ah dadka ka faallooda Kremlin-ka ayaa ku baaqay in ciidamo dheeraad ah la abaabulo.

Muuqaal dhowaan la soo bandhigay oo u muuqda inuu muujinayo isku day lagu doonayay in dembiilayaal la askareeyo iyadoo la isticmaalayo shirkad milatari oo gaar ah waxayna taasi dadka falanqeeya arrimaha amniga ku tilmaameen in Ruushka uu uu dhibaato ka maraya inuu helo rag ku filan oo diyaar u ah inay dagaalamaan.

Tan iyo duulaankii Ruushka ee bishii February waxaa dhif ahayd in Mr Putin uu ka baxo Ruushka.

Booqashadii toddobaadkan ee shirka ururka iskaashiga Shanghai ee Samarkand – halkaas oo uu kula kulmay hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping – ayaa waxay muujinaysaa baahida uu u qabo xoojinta xiriirka wadamada Aasiya ka dib markii ay dhinac la mareen reer galbeedka.

Laakiin xitaa kulankaas, madaxdu waxay walaac ka muujiyeen duulaanka.

Hindiya ayaa ku biirtay Shiinaha iyada oo muujisay walaac ku saabsan duulaanka Ukraine.

“Xilliga maanta la joogo ma ahan xilli dagaal,” Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sidaas u sheegay Mr Putin.

Madaxweyne Putin wuxuu sidoo kale maalin ka hor tibaaxay in Xi Jinping uu sidoo kale ka soo horjeestay dagaalka.

“Waan fahansanahay su’aalahaaga iyo welwelkaaga” ayuu u sheegay hogaamiyaha Shiinaha isaga oo tixraacaya dagaalka.