Q.M Oo Welwel Ka Muujisay Go’aankii DFS Ku Diiday ergeygii Midowga Afrika

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay fursadda hortaalla hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee ku shirsan Magaalada Muqdisho xilli uu khudbad ka hor jeedinayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo yeeshay shir gaar ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

James Swan ayaa sheegay in ay tahay arrin aad looga welwelo in dowladda Soomaaliya ay diiday ergeygii Midoowga Afrika ay usoo magacoowday Soomaaliya, Mudane John Mahama.

“Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya.

Go’aankaas kadib, John Mahama wuxuu sheegay in uu isaga laabtay tallaabadii Midowga Afrika ugu soo magacaawday in uu noqdo ergeyga gaarka u qaabilsan Soomaaliya isla markaana wuxuu hakiyay shaqadaas.