Qaabkee ayay Taalibaanku dib ugu qabsadeen kala bar dalka Afqaanistaan?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxda sii xoogeysanaysa ee Taaliban ayaa la wareegtay dhul badan oo ka tirsan dalka Afqaanistaan labadii bilood ee la soo dhaafay, tan iyo markii xukunka laga tuuray sanadkii 2001.

20-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa aad isu badalayay khariidada gacan ku haynta qeybaha kala geddisan ee dalkaasi Afqaanistaan. Halkan, waxaan ku soo bandhigi doonaa sawirrada khariidadda gacan ku haynta dhulka dalkaasi ee is bedbeddelaysa iyo sida loo kala haysto deegaannada dalkaasi.

Waxay u muuqataa in Taalibaanku ay todobaadyadii la soo dhaafay heleen dhiirigelin weyn kaddib markii uu billowday ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dalkaasi Afqaanistaan, waxa ayna ciidamada dowladda dib uga qabsadeen degmooyin badan.

Daraasad ay sameysay BBC-da qeybteeda dalka Afqaanistaan ayaa muujinaysa in mintidiinta Taalibaan ay haatan ku xooggan yihiin guud ahaan dalkaasi Afqaanistaan, oo ay ku jiraan gobollada waqooyiga, waqooyi-bari iyo gobollada dhexe sida Qazni iyo Maydaan Wardak. Sidoo kale, waxay ku sii siqayaan magaalooyinka waa weyn ee sida Kunduz, Herat, Kandahar iyo Lashkar Gah.

Gacan ku hayn waxaan ula jeednaa degmooyinka xarumihii maamulka, kuwa booliska iyo dhammaan xarumaha kale ee dowladda ay ka taliyaan ururka Taalibaan

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa gaashaan-buurta Nato iyo xulafadooda gobolka ayaa bishii Nofeembar ee sanadkii 2001-dii ururka Taalibaan ka tuuray xukunka. Ururukani ayaa gabaad siinayay Cusaama Bin Laadin iyo shakhsiyaad kale oo ka tirsan ururka Al-Qaacida oo lala xiriirinayo weerarradii 11-kii Sebteembar 2001 lagu qaaday dalka Mareykanka.

Haseyeeshee inkasta oo ciidamo caalami ah ay gobolka joogeen, balaayiin dollar oo taageero ahna lagu bixinayay iyo tababaro la siinayay ciidamada dawladda Afqaanistaan, haddana Taalibaanku ayaa dib isu soo abaabulay oo si tartiib tartiib ah dib ula wareegayay dhulka ku yaal miyiga fog.

Meelaha ugu muhiimsan ee ay saameynta weyn ku yeesheen waxay ahaayeen agagaarka deegaannadii ay horey ugu xoogganaayeen ee koonfurta iyo koonfur-galbeed -gobollada waqooyiga Helmand, Kandahar, Uruzgan, iyo Zabul. Sidoo kale waxay la wareegeen oo ay saameyn weyn ku yeesheen buuraha koofurta Faryab ee waqooyi-galbeed iyo buuraha Badakhshan ee woqooyi-bari dalkaasi.

Daraasad ay BBC-du sameysay sanadkii 2017 ayaa muujinayay in Taalibaanku ay si buuxda gacanta ugu hayaan degmooyin dhowr ah. Balse daraasaddaasi ayaa sidoo kale muujinaysay in ay sidoo kale ka hawlgalaan meelo kale oo badan oo dalkaasi ka mid ah, arrintaa oo muujinaysa in awooddooda ay sii xoogeysanayso si ka duwan sidii hore.

SOURCE:- BBC