Qaar kamid ah doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi oo Maanta dhacaysa.

Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliland
Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliland

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta lagu wadaa in Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho inay ka dhacdo doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ku leeyihiin Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Guddiga Maamulada doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay Magacyada musharixiinta lixda kursi ee Maanta la dooranayo, iyada oo ay codeeynayaan Ergooyin la soo xulay.

Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa aad u adag, waxaana ku tartamaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Soomaaliya.

lixda kursi Aqalka Sare ee Maantaa filayo in la doorto ayaa waxaa u sharaxan rag iyo dumar, kuwaas oo xalay sameeyay ololahooda doorashada, waxaana Magacyadooda ay kala yiihn.

1.Cabdi Xaashi Cabdilaahi
2 Siciid Cumar Xuseen

1.Saalax Axmed Jaamac
2. Ibraahin lidle Saleebaan

1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari

2. Prof. Cabdi Ismaacil Samatar.

3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali

1. Cismaan Abokor Dubbe
2. Cabdikariim Maxamed Xasan.

1. Layla Axmed Ismaaciil
2. Maxamed Maxamuud Cabdi.

1. Bilaal Idiris Cabdilaahi
2. Saynab Axmed Boqore.

Ammaanka xerada Afiiyooni oo ay ka sdhaceyso doorashada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee loo xjlsaaray amniha doorashoouinka

Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliland
Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliland