Qaban qaabadii u dambeysay soo dhaweynta RW Rooble oo Garbahaareey ka socota.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo waxaa siweyn looga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee halkaasi tegaya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo haatan ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu tago degmada Garbahaareey, halkaas oo diyaar garoow weyn uu kajiro.

Rooble oo ay wehlinayaan Guddigii uu u magacaabay arrimaha Gobolka Gedo ayaa waxaa ay degmada Garbahaareey uu kula kulmi doonaa Odayaasha Dhaqanka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo si xal looga gaaro arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal, waxaana dhawaan la filayaa in la geeyo Ciidamo ka tirsan Boolisa AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu dhigayay heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Magaalada Muqdisho.