Qaban qaabadii u dambeysay xil ku wareejinta Xasan Sheekh oo ka socota Villa Somalia

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ka socota qaban qaabadii ugu dambeeysay ee Madaxweynaha xilka kasii dagaya Mxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka ugu wareejinayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona labada Madaxwyene ee xilka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, taliyeyaasha Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.

Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Xaashi ayaa sheegay in munaasabadda xil wareejinta ay ka wada Shaqeyn doonaan Guddi isku dhaf ah oo ka kala socda Madaxweynaha xilka kasii dagaya Mxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud..

Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in ay jiri doonto munaasabad weyn oo lagu caleema saarayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qeyb geli doonaan wufuud iyo marti Sharaf Caalami ah.

Maalinta Berito oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Barxadda Madaxtooyada munaasad ka dhaceysa in uu xilka kula wareego Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.