Qalabkii ay adeegsadeen Maxaabiistii ka baxsatay xabsiga Kenya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saddexda nin ee lagu eedeeyay in ay falal “argagixiso” ka gaysteen gudaha waddanka Kenya ee ka baxsaday xabsiga Kamiti ee sida wayn loo ilaaliyo, ayaa la soo qabtay waxaana dib loogu celiyay xabsigii ay ka baxsadeen.

Wararka waxay sheegayaan inay bulukeetiyo ka bixiyeen gidaarka xabsiga sidaasna ay ku baxsadeen saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta.

Waxay adeegsadeen bir daxaleysatay oo la soo helay intii baaritaanka uu socday, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Saddexda nin ayey u suuragashay inay ka gudbaan saddex xayndaab oo ammaanka xabsiga lagu sugayay.

Habeenkii ay raggaas baxsanayeen waxaa la sheegay in ay dajiyeen hab sare oo ay ugu suurageli karto inay ku baxsadaan, iyadoo la soo tabiyay inay isticmaaleen bustayaal iyo xaaqinno kuwaas oo intay isku xirxireen ay ka samaysteen walax adag oo ay u adeegsadeen inay uga gudbaan laba darbi ee sarsare oo ku wareegsan xabsiga.

Raggan intii ay baxsadka ahaayeen, waxay maalintii ka dhuumanayeen indhaha dadka, waxayna soconayeen habeenkii, sida uu qoray wargeyska The Standarad ee kenya ka soo baxa. Taas ayaa u fududeysay in aan dhaqso la soo qabanin.

Dhanka kale saraakiisha dambibaarayaasha ayaa ku mashquulsanaa soo uruurinta xogta ku saabsan sida raggaas ay derbiga xabsiga uga bixin karaan bulukeetiga.

Waxaa su’aalo la iska waydiiyay sida ay raggan uga gudbi karaan darbigaasi oo ay uga dhuuman kareen ciidammada gaafwareega xabsiga ee ilaaladiisa ka tirsan?

Waxaase sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah, markii dambe lagu ogaaday baaritaan ay sameeyeen ciidammada dambi baarista, kuwaas oo ogaaday in qaabka ay raggaas ku baxsadeen ay aheyd mid gacan ay ka “siiyeen dadka maamula xabsigaasi”.

Waxaa kaloo baaritaanka lagu ogaaday in raggaas falalka argagixiso u xukunnaa ay qodeen darbıga oo bulukeetiyada dhinaca shishe ay u ridden.

Xabsiga Kamiti waa mid aad loo ilaaliyo oo ay ku xiran yihiin layrar aad u xoog badan, waxa uuna ku yaal meel istaraatiiji ah oo laga arki karo cidkasta oo xabsiga ku soo socota ama ka sii baxaysa.

Dhinackastana waxaa xabsiga kaga xiran Kaamerooyinka dhaqdhaqaaqa lagula socdo kuwaas oo loo adeegsado gudaha iyo bannaanka xabsigaba.