Qaramada Midoobay Oo Dalab Cusub Hordhigtay Madaxda Soomaalida

Qaramada Midoobay ayaa War kasoo saartay heshiiskii shalay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen Magaalada Muqdisho, kadib Shir Caasimadda uga socday 6 maalmood oo ay uga hadlayeen Arrimaha doorashada.

Xafiiska UN-ka ee Soomaaliya oo Qoraal soo saaray ayuu lagu sheegay inay ku faraxsan yihiin in Golaha Wadatashiga gaaraan is afgarad ku aaddan in la caddeeyo habraaca doorashada iyo dardargelinta doorashada Golaha Shacabka.

Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay inay aaminsan tahay in mudnaanta hadda la leeyahay ay tahay fulinta go’aamada, si loo gaaro natiijo la aamini karo oo si weyn loo aqbali karo.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ku dhiirri-gelinaysay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf.

Qaramada Midoobey waxa ay dhiirri-gelinaysaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay sii wadaan wada shaqayn ku dhisan niyad-sami, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara xiisado cusub ama khilaaf, ayna diiradda saaraan sidii loo gaari lahaa hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo ay dani ugu jirto shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somalia.