Qaramada Midoobay oo ka dareyrisay xaalada nololeed ee gobolka Tigray

Syria, Bloudan, 16 March 2016 An inter-agency convoy targeting 35,000 people in the hard-to-reach town of Bloudan, in rural Damascus, delivered essential relief items, including water and sanitation, health, hygiene and education supplies. WFP contribution to the convoy consisted of 7,000 Food Rations enough to feed 35000 people for one month (each ration is enough to feed five people for one month): - 7,000 bags of Wheat Flour - 5.85 MT of Plumpy Doz - 5.52 MT of Plumpy-Sup Photo: WFP/Mahmoud Zaza

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada ayaa sheegtay in in ka badan boqolkiiba sagashan ee dadka ku nool gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya ay u baahanyihiin gargaar cunto oo degdeg ah.

WFP ayaa sheegtay inay u baahanahay laba milyan oo doolar si ay u quudiyaan in ka badan shan milyan oo qof oo ku nool gobolkaasi.

Boqolaal kun oo qof oo ku nool Tigray ayaa u baahnaa gargaar cunto kahor intaysan colaaddu bilaaban.

Tan iyo markaas, waxaa sare ugu kacday tirada iyadoo Qaramada Midoobay ay todobaadkii hore ka digtay cunto la’aan bahsan, waa hadii la kordhin waayo caawimaadda.

Iyadoo ay sii kordheyso heerka nafaqa darada, ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunada ee WFP ku baaqday xabad joojin si ay u helaan marin ay cunto ku gaarsiin karaan gobolkaasi.