Qaramada Midoobay oo ka digtay abaaraha ka jira Soomaaliya

abaaraha ka jira Soomaaliya
abaaraha ka jira Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hay’addaha gargaarka Qaramada Midoobay ayaa ka digay Haqab-beelka cunnada inay si weyn uga sii dari doonto bisha May 2022 gudaha Soomaaliya, iyadoo qoysas badan ay la soo deristay hoos u dhac ku yimid awooddooda la tacaalidda cunno la’aanta.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (UNOCHA) ayaa sheegay in qiyaastii 3.5 milyan oo qof ay soo wajihi doonaan cunto yari ba’an ilaa December, kuwaas oo ku dhawaad 640,730 kamid ah ay wajihi doonaan xaalad degdeg ah.

“Yaraanshihii roobabkii deyrta ee bilaha 10aad iyo 12aad ayaa sidoo kale si weyn u saameeyay wax soo saarka xoolaha,” UNOCHA ayaa ku sheegtay war-bixinteedii ugu dambeysay ee bani’aadanimo ee la sii daayay Axadii shalay.

Waxay sheegtay in cunto yari iyo baahiyaha bini’aadantinimo ee ba’an laga soo sheegay dhammaan gobolada dalka, iyadoo in ka badan 5.9 milyan oo qof ay hadda u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo.

Sida laga soo xigtay OCHA, hay’adaha bani’aadamnimada ayaa sheegay in 7.7 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan doonaan gargaar bani’aadamnimo illaa sanadka 2022 sababo la xiriira iska horimaadyo ka dhacay meelo kala duwan oo dalka ah, xaaladaha cimilada ee soo noqnoqda gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha,  COVID-19 iyo saboolnimada sii kordheysa.

Xaaladdaha abaareed ayaa keentay in ay sii kordhaan dhibaatada dadka iyo dhimashada xoolaha, iyadoo abaaro ba’an laga soo sheegay gobolada Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo qaybo ka mid ah Puntland.