Qarax Ciidamo Lagula Eegtay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay Agagaarka Masaajidka Turkiga ay dhiseen oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Isgoyska Fagax & Xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa midowga Afrika ee AMISOM, xili ay socdaal ku marayeen xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa kadib Ciidanka AMISOM ay fureen rasaas badan oo aan weli la ogeyn in dad shacab ah waxyeelo kasoo gaartay , maadaama xiligaas goobta ay ka agdhawaayeen shacab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in khasaaro ka dhashay qaraxaas uu jiro, waxaana goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya oo gebi ahaan xiray aaga uu qaraxu ka dhacay.

Ciidanka AMISOM ayaa horey sidaan oo kale qarax miino lagula eegtay xaafadda Jamhuuriya ee degmadda Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyagoona waxyeelo u geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.