Qarax khasaaro geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Taleex ee Degmada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas  caawa ka dhacay qarax geystay khasaaro.

Qaraxa ayaa sida wararku ay sheegayaan waxaa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, waxaana la sheegay in uu geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxyo kale ayaa isla caawa la sheegay in ciidamada amaanka ay qabteen lana qarxin, sida ay sheegeen masuuliyiinta amniga ee gobalka Banaadir.

Dhawaaqa qaraxyada Muqdisho caawa laga maqlay Muqdisho ayaa shacabka muqdisho waxaa uu ku abuurtay cabsi, dhawaaqa qaraxyada qaar ayaa la sheegay in ay yihiin waxyaabo ay Qarxiyeen ciidanka ammaanka dowladda.