Qarax lagu dilay Askar iyo Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Deeyniile.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyihii Amniga degmada Deeyniile Cabdisamad Ugaas Xaashi ugaas Faracade iyo Saddex Askari ayaa lagu dilay qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah xilli ay marayeen qeyno kamid ah degmadaasi Deeyniile.

Qaraxa ayaa ka dambeeyay kadib markii dagaal u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa Maamulka iyo Al-Shabaab uu ka dhacay Aaga halka lagu Magacaabo Saqiiro, hayeeshee Taliyaha Amniga iyo askarta la socotay oo gurmad u ahaa qaraxa loo dhigay.

Xubno ka tirsan laamaha Amniga degmada Deeyniile ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay duleedka Isbitaalka degmada Deeyniile, waxaana Taliyaha Amniga degmada Deeyniile la dhintay Askar lagu kala Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Wehliya (Fajagaal),  Cabdicasiis indha-Murux Cabdulle (Ariirow) iyo mid Magaciisa lagu soo koobay Miiroow

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Deeyniile ayaan weli ka hadlin qaraxa lagu dilay dadkaas, hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidamada Maamulka ay wadaan howlgallo kala duwan.

Qaraxyadda noocaan ah ayaa waxaa inta badan adeegsan dagaalamayaasha Al-shabaab, iyagoo la beegsada Masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidanka dowladda.