Qarax lagu dilay Askar katirsan ATMIS oo ka dhacay duleedka Jowhar

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada ka tirsan howlgalka ATMIS gaar ahaan kuwa Burunti ee ka howlgala Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa qarax lagula eegtay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka HirShabeelle.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaasi lagula beegsaday deegaanka Buurane oo hoostaga degmada Mahadaay ee Shabeelaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada xilliga qaraxa lala beegsanayay ay kujireen howlgal roondo ah, isla markaana qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan, taas oo la sheegay in aysan geysan wax khasaaro ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa duleedka Magaalada Jowhar lagula beegsaday Ciidamada ATMIS, iyaga oo sheegay inay ku dileen laba Askari oo kamid ah Ciidamada Burundi wallow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa mudddooyinkii dambe kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka, gaar ahaan beegsiga ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, ex AMISOM.