Qarax lagu dilay Maamule Iskuul oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaraxa oo jugtiis laga maqlay Xaafado katirsan degmada Deeyniile ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay laamiga Degmada Dayniile gaar ahaan agagaarka Xaafada Bangala ee demadaas, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxana wararka qaar ay sheegayaan in uu ahaa mid gaari lagu xiray halka warar kale ay sheegayaan in uu ahaa mi wadada dhinaceeda lagu Aasay, waxaana ku dhintayn Maamulihii Iskuulka Dayniile Daahir Xasan Tooxow (Daahir Digdigle).

Maamulihii Iskuulka Dayniile Daahir Xasan Tooxow
Maamulihii Iskuulka Dayniile Daahir Xasan Tooxow

Maamulaha qaraxa lagu dilay ayaa oo sidoo kale kamid ahaa Waxgaradka degmada deeyniile, waxaana goobta tegay ciidamo katirsan Maamulka degmada Deyniile, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka, iyaga oo sidoo kale sameeyay howlgallo baaritaano ah.

Maamulka iyo laamaha Amniga degmada Deeyniile ayaan weli ka hadlin qaraxaas, waxaana xusid mudan in halka uu qaraxa ka dhacay dhwor jeer qaraxyo kala duwan lagula eegtay mas,uuliyiin katirsan Maamulka degmada Deeyniile.