Qarax lagu dilay ‘Macalin’ oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaraxa oo ahaa miino ayaa la sheegay in uu dhacay ka dib markii uu gudbay gaari ay saarnaayeen ciidanka dowladda, waxaana uu qabsaday mooto ay saarnaayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo rayida ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax goor dhow ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan deegaanka Garasbaaley.

Labada ruux ee qaraxa ku dhimatay ayaa la sheegay in ay kusoo jeedeen degmada Afgooye, waxaana mid ka mid ah uu ahaa macalin.

Goobta qarax ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidanka booliska, waxaana ay halkaasi ka sameeyay  howlgallo, sidoo kalena waxay isbitaal ula carareen dadkii dhaawacmay.