Qarax lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warrarka laga helayo gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ciidamada AMISOM ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn.

Dad ku sugan aaga uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in markii hore weerarku ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo lala beegsaday kolonyada ciidamada Uganda, dabadeedna la maqlay hub culus oo ay labada dhinac isku ridayaan.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha dagaalkaasi uu dhaliyay balse war ka soo baxay Al-Shabaab waxay ku sheegeen in gaari kuwa qafilan ah ay gubeen, tiro askarta Uganda kamid ahna ay dileen inkastoo illo madaxbannaan oo xaqiijinaya aanay jirin.

Dhinaca kale AMISOM wax wara lagama hayo oo ku saabsan weerarka ciidamadooodu lagu qaaday, balse guddoomiyaha gobolka Cabdiqaadir Maxamad Nuur Siidii ayaa sheegay in ciidamada Uganda iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday isla markaana ay dileen ugu yaraan lix ka tirsan Al-Shabaab.

Warrar kalena waxay sheegayaan in jiraan dad rayid ah oo dhintay.