Qarax Xooggan oo lala Eegtay Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Kenya

KISMAAYO-AYAAMAHA-Wararka aan ka helayno waddada xeebta ah ee gobolka Lamu ee dalka Kenya ayaa ku warramaya in Qarax lala eegtay Saraakiil iyo Ciidan ka tirsan Booliska dalka Kenya, wxaaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Saraakiil ka tirsan Booliiska dalka  Kenya ayaa waxaa la sheegay inay si dirqi ah uga badbaadeen qarax miino oo lala eegtay xilli ay marayeen bartamaha  waddada xeebta ah ee Lamu, sida ay shaaciyeen qaar kamid ah Warbaahinta Kenya.

Taliyaha Booliska gobolka xeebta  ah Gabriel Musau, ayaa sheegay in gaari ay la socdeen koox gaar ah oo ka tirsan qeybta ilaalada xuduudaha (BPU) ay bartilmaameedsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka Nyangoro, ee Gobolka Lamu.

Musau wuxuu sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay baxsadeen waxyar kadib markii ay ku fashilmeen isku daygoodii ahaa inay gaariga ku dhuftaan iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in aysan jirin wax dhaawac ah ama waxyeelo ah oo laga soo sheegay qaraxaasi uu ka dhashay.

“Khasaare lama soo sheegin. Way baxsadeen ka dib isku daygoodii waa uu dhicisoobay laakiin waan ku daba jirnaa,” ayuu Musau ku yiri.

Tani waa isku daygii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah ee lagu qaado ciidamada amniga ka dib muddo ku dhow sideed bilood oo aan wax amni darro ah aysan ka dhicin aagga loo dalxiis tago ee Xeebta lamu ayuu iri” Gabriel Musau.

Ugu dambeyn  Musau ayaa sheegay in ay xoojiyeen howlgalada ka socda deegaanka si loo xakameeyo weerar kasta oo qorsheysan ka dib markii dadka deegaanka ay goor sii horeysay muujiyeen cabsi ah in dhacdadani ay muujineyso in Al-Shabaab weli  ka  howlgallayaan aagga.