Qaraxyo & dagaal toos ah oo ka dhacay qeybo badan oo kamid ah Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa xalay Saqdii dhexe waxaa qaraxyo iyo dagaal toos ah ku qaadeen degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, Xaafada Daaru Salaam, degaanka Calamada iyo Ceelasha Biyaha oo dhamaantood ka mid ah Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Al-shabaab ayaa weerarka koowaad waxaa ay ka geysteen degmada Kaxda kadib waxayna weerareen Saldhiga degmada Kaxda oo ay ku qaadeen weerar ku billowday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana Saldhiga degmada ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay in muddo ah la wareegeen Saldhiga degmada Kaxda, isla markaana ay dab qabad siiyeen qeyb kamid ah Saldhiga, waxaana jira khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka soona gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad Shacab ah.

Dhinaca kale weerar qarax ah & dagaal toos ah  ayaa lagu weeraray saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafada Daaru-salaam ee Gobolka Banaadir, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo siweyn looga dareemay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, waxaa sidoo kale jira qarax lagu weeraray guddoomiye kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Degmada Huriwaa Axmed Nuur Adeeroow, waxaana sida uu xaqiijiyay ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Degaanada Ceelasha Biyaha iyo Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa kamid ah goobaha weerarada ay xalay ka dhaceen kadib markii Al-Shabaab ay weerareen, waxaana xalay xaaladda Magaalada Muqdisho ay aheyd mid aad u kacsan, iyada oo meelo kamid ah Muqdisho ay ku dhaceen tiro hoobiyeyaal ah.

Xalay Muqdisho waxaa laga dareemay cabsi xoogan intii dagaalada iyo qaraxyada socdeen, lamana oga khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkaas.